Raโiisul wasaaraha dalka Ireland Leo Varadkar, ayaa sheegay in midnimada Israโiil ay meesha ka bixi doonto haddii ay sii waddo jawaabaha xad dhaafka ah ee ay ka bixinayso weeraradii ugu dambeeyay ee dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Xamaas ay ku qadeen Israโiil.
Mr Varadkar, ayaa Raadiyaha iyo Telefishinka Irishka ee RTA, ka sheegay in Israaโiil ay xaq u leedahay inay is difaacdo, balse jawaabaha ay bixineyso ay yihiin kuwa xad dhaaf ah.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: โWaxa jira xiriiro badan oo caalami ah oo wakhtigan Israaโiil ay la leedahay Caalamka, waxana aaminsanahay in ay taasi burburi doonto haddii ay Israaโiiliyiinta ku sii adkaysato falalka ay ka wadaan Qazaโ.
