Dhulgariir xooggan oo mar kale ku dhuftay Afghanistan

Date:

Dhul gariir cabirkiisu yahay 6.3 ayaa ku dhuftay galbeedka dalka Afgaanistaan, kadib markii dhowaan ay dalkaasi ka dhaceen dhul gariir ay ku dhinteen in ka badan 2,400 oo qof.

Dhulgariirkaan oo ahaa mid xooggan ayaa ku dhuftay deegaan u dhow magaalada Herat ee xarunta gobolka Herat, subaxnimadii hore ee maanta oo Arbaco ah.

Ugu yaraan 80 qof ayaa ku dhaawacantay dhul go’a xiray wadada weyn ee isku xirta Herat iyoTorghundi, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Associated Press, oo soo xiganeysa afhayeenka wasaarada warfaafinta Abdul Wahid Rayan.

Dhulgariirka ayaa sidoo kale dhulka la simay 700 oo guri oo ku yaal tuulada Chahak,waxaana jira xogo kooban oo ku saabsan saameynta degdegga ah ee dhulgariirka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...