Madaxweynaha Iiraan oo Mareykanka ku eedeeyay hurinta dagaalka Ukraine

Date:

Madaxweynaha Iiraan Ibraahim Ra’iisi, ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu hurinayo dagaalka Ukraine, isagoo carabka ku adkeeyay in Dehraan ay taageerso in si nabad ah lagu dhameeyo khilaafka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine.

Ra’iisi oo hadal ka jeedinayay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa yiri: “Maraykanku waxa uu sii hurinayaa dagaalka ka socda Ukraine si loo wiiqo awooda tamarta dalalka Yurub, taana waa Nasiib darro iyo qorshe guracan oo ay Whatshington damacsantahay, anaga waxaan taageersanahay hindise kasta oo lagu joojinayo colaadaha taagan.”

Xiriirka u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka ayaa aad u ksii xumanayay sanadahii danbe, iyadoo Mareykanka marba marka ka danbeeya uu cunaqabatayno hor leh ku soo rogay jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Mareykanka ayaa dhowr jeer Xukuumadda Dehraan ku eedayay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ka iibisay Moscow, si ay ugu adeegsato dagaalka ka socda Ukraine, Balse Madaxweyne Ra’iisi waxa uu qiray in uu dhexdhexaad ka yahay dagaalka Ukraine.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...