Guddoomiyaha gobalka banaadir ayaa xarunta dowlada hoose ku qaabileyย ย ergayga gaarka u qabilsan Soomaaliya iyo Soomaliland

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Ergayga gaarka ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaliland Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxaana Kulankan goob Joog ka ahaa Guddomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada gobolka Banaadir iyo Xogโ€™hayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiye Madaale ayaa bogaadiyay xoojnta dadaalada kor loogu qaadayo wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaliland, islamarkaana uu maamulka gobolka Banaadir diyaar u yahay garab istaaga talaaba kaste oo qeyb ka ah wada hadaladaasi.

Ergayga gaarka ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaliland Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho garab istaaga uu u muujiyay talaabooyinka socda ee looga mira dhalinaayo sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ay qabaan walaalaha soomaaliyeed ee reer Soomaliland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale