Ciidanka xoogga oo burburiyay fariisimo khawaarijta ku lahayd dhulka howdka ah ee hoostaga Run-nirgood iyo Galcad

Date:

Ciidanka xoogga Dalka gaar ahaan Guutada Khaalid Binu waliid  ayaa burburiyay fariisimo dhulka miyiga ah ay  ku lahayeen Khawaarijta Naf la caariga ah,

Taliyaha Guutada Khaalid Binu waliid Maxamed Dhagaweeyne oo hoggaaminyay howlgalkaan sifaynta ah ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in dhulka howdka ah ee hoostaga dagmooyinka Run-nirgood, Galcad  ay ku burburiyeen fariisimaha Khawaarijta ay ku lahaayeen.

Wuxuu taliyuhu intaas ku daray inay sii wadi doonaan baacsiga khawaarijta iyo in laga xoreeyo deegaannada ay hadda ku dhuumaalaysanayaan ee ku yaala gobolka galgaduud.

Ciidamda xoogga dalka oo iyo kuwa degaanka ayaa degaanno badan oo katirsan Galmudug iyo Hirshabeelle kawada howlgallo sifeeyn ah kaa oo khawaarijta looga saarayo dhulka miyiga ah ee ay ku dhumaaleysanayaa,iyadoo geesiyaasha xoogga dalka ay ka saareen degaanno  dhowr ah oo shacabka ku dhibateen jireen khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...