Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha XFS oo kulan la qaatay danjiraha dowladda China ee Soomaaliya

Date:

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda China ee Soomaaliya mudane FeiShengchao.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga kallumeysiga labada dal, dib u eegidda heshiisyada Kalluuumeysi ee horay ugu dhexeeyey wasaaradda iyo shirkadaha Kalluumeysi ee Shiinaha, la dagaallanka Kalluumeysiga sharci darrada ah iyo in dowlada China ay Soomaaliya ka taageerto horumarinta Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah.

Sidoo kale waxaa kulankan looga hadlay dib u cusbooneysiinta Is-afgaradka (MoU) ee u dhexeeya wasaaradda iyo Iskaashatada Kalluumeysi ee Shiinaha (COFA), kaas oo horseedaya in dowladda Shiinaha ay si dhow ula shaqeyso dowladda Federaalka iyo in ay kaalin wax ku’ool ah ka qaataan horumarinta kalluumeysiga Soomaaliya.

Danjiraha Dowladda China ee Soomaaliya mudane Fei Shengchao oo wasiirka uga mahadceliyey soo dhaweynta iyo sida ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, danjiraha ayaa u sheegay dowladdiisu ay tageero dhinac walba ah la garab taagan tahay Soomaaliya sidoo kale shirkadaha Kalluumeysi ee dalkiisana ay diyaar u yihiin in ay sifo waafaqsan shuruucda iyo habraacyada dalka uga Kalluumeystaan biyaha Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa u sheegay danjiraha in Soomaaliya ay diyaar u tahay in soo dhaweyso dhammaan dhinacyada daneynaya in ka Kalluumeystaan badeedda isaga oo xusay in ay waajib ku tahay dhammaan niyacyadaas in ay ilaaliyaan shuruucda dalkeenna uga yaalla Kalluumeysiga iyo la dagaalanka Kalluumeysiga sharci darrada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Biyo-dhaamin loo sameeyay qoysaska ay saameysay abaarta ka jirta qeybo ka mid ah dalka

Hey’adda Xasan Kobac Foundation oo wakiil ka ah Sanatar...

Kulan Looga Hadlay Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee Xasilinta oo Lagu Qabtay Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Deeq raashin ah oo la gaarsiiyay shacabka ay saameysay abaarta ee ku nool bariga Gobolka Mudug

Ku dhowaad 130 qoys oo ku dhaqan deegaannada Afbarwaaqo,...

Meydadka dad tahriibayaal ah oo laga helay Liibiya iyo Giriigga

Sideed ruux oo mayd ayaa laga helay biyaha badaha...