Ra’iisul Wasaare Xamsa oo cambaareeyay qaraxii ka dhacay kulliyadda Jaalle Siyaad

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane , Xamsa Cabdi Barre ayaa ka hadlay qaraxii ay Khawaarijtu dhowaan ka geysatay kulliyadda Jaalle Siyaad oo uu tababar ugu socday dhallinyaro loo diyaarinayay ka mid noqoshada Ciidanka XDS.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania kaga qayb galaya shir madaxeedka horumarinta karaanka Aadanaha ee Afrika ayaa si weyn u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, xilli uu kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Mudane, Xamsa ayaa falkaasi ku tilmaamay mid fulaynimo ah, wuxuuna tacsi u diray ehelada askartii ku geeriyootay qaraxa naftii hallignimo ee ka dhacay kulliyadda Jaalle Siyaad, wuxuuna Alle uga baryay in uu samir iyo iimaan ka siiyo dadkii ay ka baxeen , Jannadana ka waraabiyo, intaa dhaawacana bogsiiyo.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ammaan u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Tanzania, wuxuuna sheegay in ay yihiin bulsho door wanaagsan ka qaadan karto dib u dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay dedaalladii ay xukuumaddu u martay samata bixinta dadkii ay saamaynta ku yeelatay abaarta, sidii ay ula wadaageen beesha caalamka, sugidda amniga, la dagaallanka argagixisada iyo kaalintii ay shacabku ka qaateen.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dedaalka ay dowladdu ugu jirto in ay kaga kaaftoonto deeqaha kaalmada ah ee Caalamku siiyo Soomaaliya iyo ku tiirsanaanta la dagaallanka khawaarijta, isagoo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzaniyana ku boorriyay in ay kaalintooda ka qaataan dib u dhiska dalka iyo isku tashiga ay hormuudka u yahay XFS.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...