Saraakiil ciidan oo booqday ciidamo u diyaar garoobay wajiga labaad ee dagaalka khawaarijta looga cirib tirayo dalka

Date:

Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici ) oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Taliska xoogga dalka, ayna hormuud u tahay Madaxa isku xirka hoggaanka ciidanka iyo shacabka G/dhexe Iimaan Maxamuud Cali Elman ayaa maanta booqasho la xiriirta wadatashiga iyo la socodka xaaladohooda ugu tagtey saraakiisha iyo ciidamada deegaanka ee u diyaarsan ka qaybgalka wajiga labaad ee dagaalka khawaarijta looga cirib tirayo dalka.

Booqashadan oo ka dhacday fadhi Ciidanka deegaanka ee isku abaabuley ka qayb galka xoreynta deegaanada bari ee gobolka Galgaduud ay ku leeyihiin meel banaanka ka ah Magaalada Dhuusamareb ayay taliyaha qaybta iyo saraakiisha wehlisey xog dhameystiran kaga dhageysteen qaar kamid ah saraakiisha iyo siyaasiyiinta deegaanadaas,

waxayna uga warameen sida ay goor horeba dagaalkan ugu diyaar garoobeen, iyagoo ciidamo iyo gaadiid dagaal kasoo daabuley meelo Galmudug ka baxsan
Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici ) iyo saraakiisha kale ayaa u khudbeeyay naftood hurayaashan diyaarka u ah wajiga labaad ee howlgalka xoreynta dalka.

Madaxa isku xirka hoggaanka ciidanka iyo shacabka G/dhexe Iimaan Maxamuud Cali Elman ayaa balan qaadey in dowladu diyaar u tahay dhiirigelin walba oo ay u baahan yihiin Ciidankan, si gaar ahna ay u tixgelin doonaan macluumaadka ciidan ee ay saraakiishu la wadaageen.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...