Wasiirka Caafimaadka oo hor tagay guddiga horumarinta adeegga bulshada ee Golaha Shacabka

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr; Cali Xaaji Aadam, oo ay wehliyaan Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Drs; Maryam Maxamad Xuseen, Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Xildhibaan Dr ; Maxamad Xuseen Maxamad ayaa guddiga horumarinta adeegga bulshada ee Golaha Shacabka ayaa Warbixin guud ka siiyay qorsha-howleedka iyo qaab-dhismeed guud ee Wasaaradda Caafimaadka howlaha baaxadda leh ee horyaalla waxyaabihii uqabsoomay iyo halka ay hadda wax u marayaan.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inay wax badan ka qabteen horumarinta daryeelka Caafimaadka dalka iyo tayayntiisa.

Intaa kadib Xubnaha Guddiga ayaa mid mid u Weydiiyay Wasiirka Suโ€™aalo la xariiray Caafimaadka Dalka Mashaariicda hoos yimaadda kuwa socda iyo kuwa la filayo in dhawaan ayย  Wasaaraddu daah-furto sida Mashruuca Damal Caafimaad.

Shuruucda hor-tebinta ulehย  Wasaaradda oo ay doonayaan inayย  usoo gudbiyaan Golaha Shacabka BJFSย  sida Sharciga dawada dalka iyo Caqabadaha hor-taagaan inay Wasaaradda keento maadama uu muddo fog soo jiitamayo lagama maarmaana ay tahay inuu dalka yeesho sharci dawo oo la isku halleyn karo.

Hiigsiga iyo himillada fog ee la xariira Caafimร adka guud ee Wasiirka Wasaaradda ayaa ka wada jawaabay guud ahaan suโ€™aalihii ay weydiiyeen xubnaha iyo guddoonka guddiga horumarinta adeegga bulshada ee Golaha Shacabka.

ย 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...