Salva Kiir oo ballan qaaday qabashada doorashadii ugu horreysay ee dalkiisa

Date:

Madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir, ayaa ballan-qaaday in aanan dib loo dhigi doonin doorashada dalkiisa waxii ka danbeeya sannadka soo socda, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP.

Salva Kiir, ayaa Madaxweyne ka ahaa Koonfurta Suudaan, tan iyo sanadkii 2011-kii markaas oo uu dalkiisa ka goโ€™ay ย dal weynaha Suudaan.

Waxaa la qorsheynayay in doorashada dalkani ay dhacdo bishii February ee sanadkan 2023-ka, balse dowladda ayaan ilaa hadda ku guuleysan inay buuxiso qodobadii ugu muhiimsanaa ee heshiiska nabadeed ee dhex maray dhinacyada is khilaafay hoggaanka dalkan.

Koonfurta Suudaan, ayaa ka mid ah dalalka ugu saboolsan Afrika, inkastoo uu leeyahay kayd shidaal, balse tan iyo markii uu dalkan madax banaanidiisa ka qaatay Suudan waxaa ka jiray ย xaalado dagaal, kuwaasi oo ay ku naf wayeen ilaa 400,000 oo qof, ka hor inta aysan Salva Kiir iyo Machar, ย aanay saxiixin heshiis nabadeed sannadkii 2018-kii.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...