Howlgal lagu dilay tiro Khawaarij ah {Warsaxaafadeed}

Date:

Hawlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen degaanka Cali Fuuto ee hoos taga degmada Kurtun Waarey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayay ku dileen 44 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad, kuwaasi oo isku aruursanayay godad ay ka qoteen.

Howgalkaan ayaa dhacay 12-bishan, ka dib markii Sirdoonka Qaranka ee NISA uu helay xogta maleeshiyadan oo in muddo ah isku aruursanayay degaankaan iyagoo dhagar u maleegayay shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalkaan waxaa sidoo kale lagu burburiyay godad ay halkaas ka qoteen Khawaarijta, hub iyo saanado kale oo ay ku aruurinayeen dembiilayaasha Khawaarijta.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabaad ka dhigtaan, iyadoo haatana Ciidanka Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed ay dhul badan ka xoreeyeen Khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...