Ergeyga Madaxweeynaha u qaabilsan arrimaha Soogalootiga Sweden uga qeeyb gashay shir looga hadlayey Hijrada.

Date:

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweeynaha u qaabilsan arrimaha Soogalootiga iyo xuquuqda Caruurta Ambaashatoor Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa Magaalada Stockholm ee Caasimadda Dalka Sweden uga qeeyb gashay shir( Swedish Presidency Conference) looga hadlayey Hijrada si wadajir ahna eey usoo qabanqaabiyeen Midowga Yurub & Shabakadaha Hijrada.
Abaashatoor Maryan oo faahfaahin ka bixineeysay shirka ayaa tiri ” Waxaa sharaf ii ah inaan aragtida Soomaaliya ee ku aadan Hijrada ama Tahriibka kusoo bandhigo shirkaan oo looga hadlayo xiriirka ka dhexeeya Masiibooyinka Cimilada & Xaalufka Deegaanka oo Midoowga Yurub soo qabanqaabiyey laguna qabtay Stockholm Sweden”.
Shirka ayaa waxaa aad loogu falanqeeyey sida saameeynta isbedelka Cimiladu saameeyn ugu yeelatay qaababka Hijrada ee meelo kala duwan ee adduunka ah. Kasoo qeeybgalayasha Shirka ayaa hoosta ka xariiqay sida eey muhiim u tahay in dib u eegis lagu sameeyo siyaasadda Socdaalka iyadoo weliba lagu cabbirayo aragti fog.
Ambaashatoor Maryan Yaasiin ayaa shirka u gudbisay sida loogu baahanyahay hab-doowladeed loo dhanyahay kaasoo lagu hormariyo qaab-dhismeedka Sharciyada Qaran ee Hijrada iyo weliba Siyaasadaha ilaalinaya xuquuqda Caruurta iyo Soogalootiga iyadoo lala kaashanayo Heyadaha kala duwan ee ku shaqada leh arrimaha Socdaalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo daahfuray Kulanka Furitaanka Golaha Difaaca Qaranka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal...

Wasiirka Tamarta oo kormeer shaqo ku tagay xarumo koronto bilaash ah ay wasaaraddu ka hirgalisay Dhuusamareeb

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS, Mudane Cabdullaahi Bidhaan...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta...