Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Qaramada Midoobay.

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriayadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxa Xafiiska Doorashooyinka iyo Dhismaha Nabadda ee Qaramada Midoobay Mudane Serge G. Kubwimana, Marwo Mikyong Kim, oo ah Xafiiska Siyaasadda Doorashooyinka, La-Taliye Sare ee Gobolka ee arrimaha Doorashooyinka iyo horumarinta Dowlad-wanaaga ee UNDP Mudane Luis Martinez betanzos iyo Mudane Walter Lotze oo ah Madaxa Bariga Afrika ee Siyaasadda iyo Dhismaha Nabadda ee QM.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Madaxda Xafiiska Doorashooyinka QM iyo UNDP ayaa ahmiyada koowaad siiyay doorashada soo socota ee dalka ka dhici doonta nooca ay noqon karto, iyagoo kawada hadlay sidii dalka ugu dhici laheyd doorasho ka duwan midii hore loo soo arkay.
Dhanka kale Madaxda QM iyo UNDP ayaa xusay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay kala shaqeyn doonaan horumarinta baarlamaanka, tayeynta aqoonta shaqaalaha Golaha iyo xildhibaannada, iyagoo sheegay in ay gacan ka geeysan doonaan dhameystirka dib u eegista Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharuucda muhiimka u ah dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...