Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magacaabista Xisaabiyaha Guud ee Dowladda

Date:

Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansixiyey magacaabista Xisaabiyaha guud ee Dowladda iyo heshiisyo iskaashi oo ay wada gaareen Soomaaliya iyo Qatar.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee magacaabista Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, kaas oo loo magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas oo leh khibrad dhanka Maamulka iyo Maaliyadda.

Golaha ayaa ansixiyey heshiis Iskaashi Maamul wadaag oo ku saabsan dhaqan-gelinta Sharciga Canshuuraha Kastamada Soomaaliya iyo Qatar, Soo jeedin ku saabsan ku biirista aagga ganacsiga xorta ah ee dalalka Carbeed iyo Heshiiska Is-af-garad ee Iskaashiga Arrimaha Caddaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya iyo Qatar.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa warbixin ka siiyey golaha howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah iyo xasillinta deegaannada la xoreeyey, wuxuuna goluhu boggaadiyey guulaha ay ciidamadu ka gaareen goobihii cadowga laga sifeeyey.

Golaha ayaa warbixin la xiriirta xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Suudaan ka dhageystay guddiga gurmadka soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan colaadda ka taagan Suudaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...