Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka socda dalka Sudan

Date:

Maalintii labaad dagaallo xoogan oo u dhaxeeya laba garab oo ka kala socda ciidamada Dalka Suudaan ayaa ka socda Magaalada Khartuum iyo deegaanno kale oo duleedka ah.

Ugu yaraan 56 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay dagaalka u dhexeeya ciidanka iyo kooxda gurmadka degdegga ah ee (RSF), sida ay sheegeen koox dhakhaatiir ah oo madax-bannaan.

Ururka Dhakhaatiirta Suudaan ayaa sheegay in tobaneeyo askari ay soo gaareen dhaawacyo, ugu yaraan 595 qofna ay ku dhaawacmeen guud ahaan dalka.

kooxda gurmadka degdegga ah ee (RSF),  waxa ay sheegtay in ay gacanta ku hayso goobta madaxtooyada, garoonka diyaaradaha ee Khartoum iyo xarumaha kale ee muhiimka ah ,halka ciidamada ay beeniyeen sheegashadaasi.

Mareykanka,Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta, saddexda waxay ugu baaqeen dhinacyada isku haya dalkaasi inay shuruud la’aan joojiyaan colaadda.

Dagaalka Suudaan ayaa bilaawday xilli muddo  bilo ah ay jireenxiisado  u dhaxeeyay taliyaha milatariga, General Abdel Fattah al-Burhan, iyo madaxa RSF, General Mohamed Hamdan Dagalo, kaas oo ku saabsanaa in  kooxda gurmadka degdegga ah ay ku  biiraan ciidanka.

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay socdaalka wasiirka arrimaha dibadda Isreal ee Hargeysa

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ballaaran oo...

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyay howlgal si heer...

Madaxwaynaha Qaranka oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada oo arrimo muhiim ah looga hadlay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...