𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗠𝗶𝗱𝗼𝘄𝗴𝗮 𝗬𝘂𝗿𝘂𝗯 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝘁𝗮𝗮𝗴𝗲𝗲𝗿𝗶𝗱𝗱𝗮 𝗾𝗼𝗿𝘀𝗵𝗮𝗵𝗮 𝘅𝗮𝘀𝗶𝗹𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮

Date:

Ra’iisu Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ms Tiina Intelmann oo ay ka wada hadleen sidii mashaariicda horumaniyeed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya loogu salayn lahaa barnaajiyada ahmiyadda u leh xukuumadda Dan-Qaran.

Danjiraha Midawga Yurub Ms Tiina Intelmann ayaa la wadaagtay Ra’iisul Wasaaraha in Midowga Yurub uu sii wadi doono barnaajiyadda horumarinta ee uu ka taageero Soomaaliya, iyadoo sheegtay in xilligan Midowga Yurub kaalin wayn ka qaadan doono barnaamijka xasilinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u jeediyay Danjiraha Midowga Yurub in mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soomaaliya lagu saleeyo arrimaha mudnaanta u leh dowladda xilligan, gaar xasillinta  ahaan deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta oo hadda ay xukuumaddu ka wado hannaankii dadka deegaanka lagu gaarsiin lahaa adeegyadda aasaasiga ee Khawaariijtu ka curyaamisay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...