Madaxweyne Guudlawe oo kulan soodhaweyn ah loogu sameeyey Dalka Kenya

Date:

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa  xalay ka qeybgalay munaasabad soo dhoweyn iyo casho sharaf ay u sameeyeen Soomaalida ku nool dalka Kenya.

Munaasabada soo dhoweynta Madaxweynaha oo ay kasoo qeybalay Gudoomiyaha Magaalada Wajeer Mudane Axmed Cabdullaahi Jiir, Senator Cabaas Sheekh Maxamed, Xildhibaan Faaduma Jeexow, Xildhibaan Xildhibaan Aadan Keynaan Wehliye, Xildhibaan Bashiir Cabdullaahi, Xildhibaan Suleekha Haaruun, Xildhibaan Aadan Daud, Gudoomiyaha Baarlamaanka Wajeer Cabdullaahi Yuusuf, Xoghaya Joogtada Ibraahim Rashiid, Waxgaradka iyo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo qeybaha bulshada ee beesha dagoodi soo dhoweynta ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa waxa uuna tilmaamay in beeshaan yihiin dad ku tilmaaman wanaag iyo walaal jaceyl isagoo adkeeyay inuu wax ka qaban doono caqabadaha ay soo jeediyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...