Guddoomiye Sheikh Aadan Madoobe oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM), Marwo Anita Kiki Gbeho.

Kulanka oo looga hadlay arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa Marwo Anita Kiki waxay si buuxda u taageertay dadaalada uu hormuud-ka u yahay Guddoomiyaha, muujisayna inay tahay wadada ugu wanaagsan ee xalka uu kujiro si loo helo isfaham bulsho loona sii amba qaado xorreeynta deegaannada argagaxisada go’doomiyeen si loo gaarsiiyo gargaar bini’aadantinimo. Sidoo kale Marwo Anita Kiki Gbeho ayaa sheegtay UNSOM inay sii wadi doonto taageeradda  Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Arrimaha Kaalmeynta Soomaaliya la wadaagay warbixin ku aaddan booqashooyinkii uu ku tagay degmooyinka Xudur iyo Baydhabo oo ay ku noolyihiin dad ka soo barakacay deegaannada ay ku sugan yihiin kooxda Khawaariijta Al-Shabaab. Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa ku booriyay in deegaannadaas la booqdo si wax loogu qabto dadka danyarta ah ee aan heysan nolol maalmeed ku filan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...