Aqoon- Isweydeersigan oo ahaa mid ballaaran ayna ka faaโiideysteen ku dhowaad 30 ruux oo isugu jiray Wariyaal iyo Kooxaha ka shaqeeyo Saadaasha Hawada waddamada Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa loogu soo gabe-gabeeyay dalka Jabuuti, waxaana uu socday ย muddo afar cisho ah.
Hayโadaha Icpac-Igad, Norcop iyo Met Office Uk ayaa iska kaashaday qabsoomidda tababarkan oo ahmyada wayn u lahaa warbaahinta iyo saadaasha hawada, waxyaabaha lagu bartay waxaa ka mid ah habka soo bandhigista xoggaha la xariira saadashada hawada iyo Isbadalka Cimilada si loo gaarsiiyo bulshada, iyada oo la marayo hannaanka cilimiga ah Geeska Afrika, digniino wadareedka qataraha EAHW, Hannaanka Qorsheynta Saxaaafadda xiliyada S-MAP, tasoo warbaahinta u sahalayso in farriimaha iyo sheekooyinkooda saldhigaan xilliyada kala duwan ee abaaraha, fatahaadaha iyo duufaannada, kuwaas oo ay soo gudbiyaan khubarrada Sadaasha Hawada iyo Cimalada, una sahlayso in ay uga gudbiyaan Ummadda waxyaabaha la filan karo iyo sida looga gaashaaman lahaa.
Mudane, Cabdiwali Suleymaan oo ka tirsan Urur Gobaleedka IGAD-ICPAC ayaa sharraxaad dheeri ah ka bixiyay ujeedada Aqoon-Isweedarsigan u leeyahay Warbaahinta Soomaalida iyo Jabuuti isla markaana uga Mahadceliyo ICPAC iyo NORCAP.
โTababarkan waa dalkii 8-aad oo aan u qabanay, muhiimadda uu leeyahay waxey tahay warbaahinta ama wariyaasha oo kaalinta koowaad kaga jira tebinta ama xogsiinta qeybaha ay khuseeyso Isbaddalka Cimilada iyo saadasha hawada oo aad u saameyso, marka waa in ay ogaadan waxa ay tabinayaan tasoo gaarsiisan heer ay sharaxi karaan aqoon ahaan waxa ay tahay isbadalka cimilada iyo saadasha si dhow ula shaqeeyn aysan noqan kuwa tebiya wax loo dhiibayโ Ayuu yari Cabdiwali Salad
Sidoo kale Cabdiwali ayaa sharraxay gaabka u dhaxeeyo warbaahinta geeska Afrika ka howl-gasho iyo tan Soomaalida iyo qaabka uga hobaan a sida ay iskula jaan-qaadi karaan habka tebinta warbixinada la xariira Saadasha hawada iyo isbadalka Cimilada, iyada oo la maraayo EAHW.
โWariyaasha Soomaaliyeed mudnaan kale ayee innoo leeyahiin dhibaatooyin kale oo ay tebiyaan oo ah mida soo socotay 30-kii sanno ee soo socotay, arrinka kale ee cimilada wariyaal u tababaran iyo Met Office dalka malaha, qof walbo howlahiisa goonni ayuu wataa, marka inaa Geeska Afirka intaasa kale soo gaarno oo wariyaasha isha saran, muhiimad u yeelato tebinta iyo ka sheekaynta isbaddalka Cimilada iyo saadasha hawada waa mid wayn waana mida aan ku daddaalayno ka Icpac-igad ahaan iyo saaxibada caalamiga ah ee na caawiyoโ ayuu yari Cabdiwali Salaad.
Aragtida Wariyasha:
โ Cabdishakuur Dayib oo ka mid ahaa wariyaasha qaatay Tababarkan waxuu sheegay inuu ka faaโiidey habka isticmaalka xogaha Saadasha hawada iyo Isbadalka Cimilada inuu u soo bandhigi karo hannaan cimili ku salaysan.
โ Saddex qodob Ayaan uga faaโiidnay ayaa is leeyahay ka saxafi ahaa.ย kow, ย inaa dadka fahansiino Isbadalka Cimilada inuu nolashooda taabanayo iyo habka la-qabsiga, labo, U-Adkeysiga oo hab farsamo naloo fahsansiiyay ka saxaafad ahaana ogaana fahano sida ay wax u jiraan si aan markaas u gudbino xog dheelatiran bulshada, Sadex, inaa awood u yeelanay joogtenta wararka Saadasha hawada si macluumadka oo isugu jira waxyaabaha qatarta ah ee dhinaca kara, waa mahadsan yahiinย hayโadaha taageerayo barnaamijkan kor u qaadida aqoonta wariyaasha Soomaalidaโ Ayuu yari Cabdirashakuur Dayib.
โ Hidaya Maxamed oo ka tirsan warbaahinta dowladda Jabuuti waxay hoosta xarriiqday cilmiga ay halkan ka baratay ay u gudbin doonta wariyaasha la shaqeeyo, tasoo horumarinayso shaqooyinkooda maalin laha ee tebinta Saadasha iyo Isbadalka Cimilada.
โShaqsiyan wax badan ayaan faaโidnayย tasoo ah ka saxafi ahaan halkii aan mari lahaa, sida aan uga warbixin lahaa isbadalka cimilada, markii hore waxaan raadinaa wararka si aan u gaarsiinno bulshada, marka si ka wanaagsan oo aan ku qaadanay tababarka loo sameyn karo sheekooyinka la xariira arintan sida ula hadli karno bulshada, dadka jaan-gooyo siyaasada, khubarrada iyo hanaanka u taxliilin karno xogahaasi kala duwan loo sugi karo tebinteeda. Maadama cilmigan uu ahaa mid wanaagsan waxaan la wadaagi doonaa wariyaasha ila shaqeeyo waxyaabaha ku saabsan cimilada nafteena ku tababarno si bulshada u gaarsiinno warar wanaasagnโayey tari Hidaaya Maxamed.
Saxafiyiinta Soomaalida ee lagu tababaray dalkan Jabuuti ayaa ka kala yimid magaalooyinka Muqdisho, Hargesia, Dhuusamareeb, Baledwayne iyo Baydhabo oo ka howl-gala warbaahinta qeybaheeda kala duwan Tv, Radio iyo warbaahinta bulshada,
Warbixinta hayโadahaย ka shaqeeyo arrimaha gargaarka iyo Isbadalka Cimilada ayaa sheegay inย 5.6 million qof ah ay la kulmeen heerka uga hooseyso cunto yariย ka Abaaraha iyo xasaradaha colaadda iyo barakaca la xiriira.





W/Q: Abdirashid Nur. Senior journalist and Comms Specialist ย