Suxufi geeriyooday xilli uu tebinayay ciyaartii Argentina iyo Netherlands

Date:

Grant Wahl, oo ka mid ah qoraayaasha kubbadda cagta oo caanka ka ahaa dalka Maraykanka, ayaa geeriyooday subaxnimadii hore ee Sabtidii isagoo terbinayay ciyaartii Koobka Adduunka ee u dhaxaysay Argentina iyo Netherlands.

Suxufiyiin Maraykanka ah oo agtiisa fadhiday ayaa sheegtay in Wahl uu dib ugu dhacay kursigiisii tarabuunka ee garoonka Lusail Iconic Stadium wakhtiga dheeriga ahaa ee ciyaarta, waxaana wariyayaashii ka ag dhawaa ay u dalbeen caawimaad. Shaqaalaha gurmadka degdega ah ayaa si degdeg ah uga jawaabay.

Wahl ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay Arbacadii in uu u debbaaldegay dhalashadiisa maalintaas. wuxuu ahaa 48 jir.

Xiriirka Kubadda Cagta Mareykanka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay ka xun yihiin geerida suxufigan.

Isniintii ayuu ku soo qoray boggiisa in uu booqday xarun caafimaad isagoo ku sugan dalka Qatar.

“Ugu dambayntii jirka ayaa i xanuunaya. Saddex toddobaad oo hurdo yar ah, walbahaar sare iyo shaqo badan ayay taasi ku timid,” ayuu Wahl ayaa qoray, isaga oo raaciyay “Wixii hargab ahaa 10-kii maalmood ee la soo dhaafay waxay isu beddeleen wax aad u daran habeenkii ciyaarta USA-Netherland, waxaana dareemayay cadaadis laabta sare ah iyo farxad la’aan”

Dr. Celine Gounder, oo ah xaaskii uu ka geeriyooday Wahl, ahna kaaliye macallin oo ka tirsan machadka caafimaadka ee Jaamacadda New York, ayaa barteeda twitter-ka kusoo qortay inay ka naxday geerida saygeeda.

Wahl ayaa soo tebinayay koobkii aduunka ee siddeedaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

Maxadwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wakiilka Soomaaliya u qaabbilsan IAEA oo warqadaha aqoonsiga u gudbisay Agaasimaha Guud ee hay’adda

Safiirka Soomaaliya u fadhida Austria iyo Switzerland, ahna wakiilka...