Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo Maanta Safar dhanka Dhulka ah ku tagay Degmada Moqokori

Date:

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladd Goboleedka Hiirshabelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha iyo Wafdiisa oo socdaal dhulka uga soo ambabaxay Degmada Aadan yabaal ayaa soo maray deegaanada mubaax iyo ceel qooxle oo kamid ah deegaanadii dhowaan la xureeyay waxaana boqolaal dadweyne ah ay kusoo dhoweeyeen bartamaha Magaalada Muqakori ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay bushada qiimaha ee sida diiran ugu soo dhoweeyay Magaalada waxa uuna bogaadiyay bulshada deegaankaan iyo qeybaha kala duwan ee ciidamada oo khawaarijta cadowga ah ka xureeyay degmada.

Madaxweynaha ayaa xusay in maanta wixii ka dambeeya moqokari ay ka mid tahay degmooyinka Hirshabeelle isagoo furay Wasiirka Arrimaha Dowladda Hirshabeelle in deg deg uu kusoo magacaabo maamulkeeda oo dhameystiran sidoo kalana laga fuliyo mashaariicda ay xaqa u leedahay degmada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdu ka shaqeyn doonto horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka iyo hagaajinta ceelasha waxa uuna bulshada degmadaan ugu baaqay inay usoo baxaan ciribtirka kooxda khawaarijta alshabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...