Golaha Wasiirada Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo Caawa meel mariyey Miisaaniyadda Dowladda ee 2023 oo ka kooban Dakhli gudaha ah iyo Deeq taas oo gaareysa $967.7 Milyan oo Dollar

Date:

Golaha Wasiirada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa kulan ay ku yeesheen Muqdisho oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre waxa ay ku meel mariyeen ku-talagalka Miisaaniyadda Dowladda ee 2023 oo ka kooban Dakhli gudaha ah iyo Deeq taas oo gaareysa $967.7 Milyan oo Dollar.

Miisaaniyadda 2023 ayaa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda dakhliga gudaha oo hadda la rajeynayo inuu ka sare maro sanadihii la soo dhaafay, iyadoo la rajeynayo inuu gaaro $283.3 Milyan oo Dollar halka sanadka dhamaadka ah uu ahaa $247 milyan oo Doolar.

 

Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa golaha uga mahad celiyay meel marinta ku-talagalka miisaaniyadda.

 

Dhanka kale, golaha ayaa ansixiyay heshiisyada difaaca ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Uganda iyo Soomaaliya iyo Suudaan ee ku saabsan is-kaashiga gaashaan-dhigga oo ay golaha hor-keentay wasaaradda gaashaan-dhigga, si waafaqsan dastuurka iyo sharuucda dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjiraha cusub ee dalka Hindiya oo si rasmi ah ula wareegay Xilka

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee...

Safiirka Soomaaliya ee dalka Bakistaan oo kula la yeeshay Madaxweynaha Jaamacadda Islamabad

Safiirka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheeknuur Maxamed Xasan, ayaa...

Guddoomiyaha BJFS iyo duqa Muqdisho oo ka wada hadlay meelmarinta Maqaamka Caasimadda

,Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Taliyaha CBS oo Dhagax Dhigay Dhismaha Masjidka Xarunta Dhexe ee Booliska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...