Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo maanta ka qeybgalay shirweynaha 1-aad ee tayodhowrka qaranka

Date:

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ย XFSย  Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta ka qeybgalay shirweynaha 1-aad ee tayodhowrka qaranka.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay masโ€™uuliyadda wasaaradda ee arrimahan isaga oo yiri โ€œ Waxaa ay masโ€™uuliyadย  naga wada saarantahay ilaalinta badqabka shacabka Soomaaliyeed, ka wasaarad ahaan waxaan ka qeyb qaadan doonaa ulajeedooyinka loo aasaasay Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed.

โ€œHeyโ€™addan waxay qaranka Soomaaliyeed u tahay difaac adag oo looga hortagi karo wax kasta oo nolosha ummaddeena halis gelin kara, gaar ahaan sidii loo hubin lahaa badeecadaha iyo dawooyinka dalkeenna soo galaayaโ€ ayuu intaa raaciyey wasiirka arrimana gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta.

Arimaha ugu muhiimsan ee Wasaarada iyo Hay’adda ay kawada shaqeyn karaan waxaa ka mid ah:

(1). In aan shacabka Soomaaliyeed loo keenin gargaar cuno ama daawo aan lahubin tayadooda.

(2). Iskuxirka barnaamijdka xuduuduha dalka iyo iska kaashiga hayโ€™ada ka shaqeeya.

(3). Xiriirka iyo isku xirka maamul goboledyada dalka.

Shirkaan waxaa goobjoog ka ahaa Raisulwasare Ku xigeenka XFS,Wasiiro iyo masuuliyiin katirsan XFS.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale