Ruushka oo duqaymo la beegsaday xarumaha tamarta ee Ukraine

Date:

Kaaliye u dhow Madaxweyne Zelensky ayaa sheegay in ku dhawaad hal milyan iyo bar qoysas ah oo ku kala nool Ukraine ay koronto la’aan yihiin, iyadoo mowjado cusub oo weerarro ah uu Ruush-ku la beegsaday kaabayaasha tamarta ee muhiimka ah.

Shaqaalaha qaranka ee korontada ayaa sheegay in weeraradii ugu dambeeyay ay sababi karaan khasaare ka badan duqeymihii xoogganaa ee socday dhowr maalmood ee horraantii bishan. Magaalooyinka ay dhibaatadu saameysey waxaa ka mid ah magaalada dekedda leh leh ee Odesa eek u taal Koonfurta dalkaas.

Weriyaha BBC-da ee Kyiv ayaa sheegaya in istaraatiijiyadda Ruushka ay tahay in la dhaawaco kaabayaasha muhiimka ah ka hor xilliga jiilaalka, iyo in dagaalka la geeyo meelaha ka baxsan jiidda hore. Ukraine ayaa dhankeeda horumar ka samaynaysay weerarada ka dhanka ah ee Waqooyi-bari iyo koonfurta dalkaas.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...