Madaxweynaha Qaranka Oo Daahfuray qorshaha Soomaali Cagaar ah.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daah furay qorshaha Qaran ee Soomaaliya cagaar ah ayaa ku beeray guriga Ummadda geed ka mid ah 10 Malyan oo geed oo lagu dhireynayo dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda dhirtu ay u leedahay dalkeenna oo abaaro soo noq-noqday ay aafeeyeen, saameyn xoogganna ay ku yeelatay duruufihii adkaa ee dalku soo maray, taas oo sababtay nabaad-guur xooggan oo saameeyey nolasha iyo deegankaba.

“Burburkii ku dhacay dalka kaliya ma saameyn dadka ee dhibaato xooggan ayuu gaarsiiyey deegaanka Soomaaliyeed, waxaa naga guuray xayawaanaadkii iyo dhirtii uu caanka ku ahaa dalkeennu. Dib u dhiska dowladnimada waa in ay barbar socotaa dib u cagaarinta deegaanka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha ee ku aaddan daryeelka deegaanka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray hay’adaha dowladda in ay hormuud u noqdaan qorshahan oo dhireeyaan xarumaha ay ku shaqeeyaan, sidoo kale waxa uu ugu baaqay haweenka Soomaaliyeed oo taariikh ahaan door wanaagsan ka qaata daryeelka deegaanka in ay guryaha iyo goobaha ganacsiga ay ku tallaalaan geedahan waxtarka u leh deegaanka ee ay dowladdu diyaarisay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukumadda Federaalka Soomaaliya in ay labada bilood ee sannadka ka dhiman ay ku abuuraan Caasimadda 100,000 oo geed si loogu gudbo dhireynta caasumadaha dowlad-goboleedyada iyo guud ahaan degmooyinka iyo deegaannada dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...