Dab xoogan oo ka kacay Xabsi ay ku jiraan siyaasiyiinta iyo ajaanibta kaas oo ku yal dalka turkiga

Date:

Dab xooggan ayaa ka kacay xabsiga caanka ah ee Evin ee dalka Iiraan, kaas oo caan ku ah in ay ku jiraan maxaabiista siyaasadda, saxafiyiinta iyo dadka ajnabiga ah.

Muuqaallo la soo dhigay  barta internetka ayaa muujinaya holac iyo qiiq ka socda dhismahan ku yaala  Tehran, waxaana la maqlayaa rasaas iyo qaraxyo.

Sarkaal ay soo xiganeyso warbaahinta dowladda ayaa sheegay in xaaladdu ay dejiyeen, balse muuqaallo laga soo duubay xabsiga ayaa u muuqday kuwo muujinaya dabka oo weli sii fidaya.

Iran ayaa  waxaa toddobaadyadii lasoo dhafay ka socday dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda.

Waxay dibedbaxyadda bilowdeen bishii hore ka dib markii haweeney 22-jir Iranian ah oo lagu magacaabo Mahsa Amini ay ku dhimatay xabsiga booliiska.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay u dhimatay wadno xanuun, balse qoyskeeda ayaa arrintan ka biyo diiday, iyaga oo sheegay in ay booliska anshaxa garaaceen.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

Waa waaber cusub oo u baryay Soomaaliya, iyadoo markabka...

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...