Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo kooxda arxanka daran ee Al-shabaab kala wareegay degaano hoostaga degmada Balcad

Date:

Kadib howlgallo ay sameeyeen Ciidamo katirsan Milateriga Soomaaliya ayaa waxaa u suurto gashay inay la wareegaan degaano dhowr ah oo kuyaalla Bariga degmada balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen Ururka Arxanka Daran ee Al-Shabaab.

 

Howlgalka oo ay hoggaaminayeen Xildhibaan Cusmaan Xaadoole oo katirsan Golaha Shacabka, Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaraan, Guddoomiye kuxigeenka amniga degaanka daaru-salaam Maxamed Deeq Geedow iyo saraakiil kale ayaa lagula wareegay degaannada kala ah, Mukaydheere, Yaaqle, Shanlow, Kooreebe, Farbaraki & Dhagaxow, halkaas oo muddo badan ay maamulayeen Al-Shabaab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbax ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay keydad biyo ah oo ay lahaayeen Khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keydkii...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israa’iil

Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax...

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...