Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni ayaa kala hadlay xasilloonida gobolka iyo xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Madaxweyne Yoweri Museveni halganka wadajirka ah ee ay wadaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed si ay isaga dulqaadaan argagixisada Alshabaab oo caadeysatay gumaadka dadka Soomaaliyeed, caqabadna ku ah horumarka iyo xasilloonida dhammaan dalalka gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas oo ay u dabbaal degeen maalintii shalay, waxa uuna tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay uga mahad-celinayaan doorka ay ka qaadanayaan ciidamada Uganda, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni  ayaa ku bogaadiyey dowladda Soomaaliyeed guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka argagixisada iyo deegaannada laga xoreeyey, isagoo carrabka ku adkeeyey garab istaagga iyo taageerada dalkiisa oo door weyn ka qaatay nabad ilaalinta iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Museveni ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa oo ka qeyb-galay xuska 60-guurada xornimada dalkiisa, waxa uuna xusay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii xornimo doonka dalka Uganda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA.

Addis Ababa, Diseembar 19, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhiggiisa Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...