Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Digniino u dirtay Dadka U hoggaansama Amarada Argagixisada.

Date:

Wasiir Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi oo shir jaraa’id ka qabtay dadka dhismayaal ka socday Muqdisho u istaajiyey amarro ka yimid argigixisada Alshabaab.

Wasiir Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ayaa sheegay inay tahay wax an la aqbali Karin in shabaab oo gabalkoodi dhacay aay wali u hogaasamaan amaradooda an soomaaliyeed, wasiirka ayaa sheegay inaan cidna laga aqbali doonin inay amar shabaab u Hoggaasanto isla markaana ciddii ku kacda falkaasi Tilaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dowladu aay  diyaar u tahay sugitaanka amniga Goobaha dhsimaasho ka socdaan si amnigooda loo xaqiijiyo.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ay fareysaa milkiileyaasha dhismayaashaas, in la qaato amarka argagixisida Al-shabaab waxaa uu ka tarjumayaa in ay tahay arrin dambi ah, oo cunug xun ama kooxda argigixisada qof ka tirsan oo isaguba dhuumaaleysi kujooga duurarka in amarkiisa la qaato, loona ciqaabo dadkii xoogsatada ahaa, runtii arrintaasi waxaa ay muujineysaa arrin aysan dowladda u dulqaadaneynin in ay tahay, waxaan fareynaa in la fasaxo dhammaaan dhismeyaasha, oo ay bartoodii ka wataan, ciidamadu ammaanku ay tallaabo ku haboon ay ka qaadi doonaan kooxaha argigixisada ah, cid kasta oo amarka dowladda fulin weydana waxaa laga qaadaa tallaabo sharci ah” Ayuu Yiri Wasiirka Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...