Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Digniino u dirtay Dadka U hoggaansama Amarada Argagixisada.

Date:

Wasiir Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi oo shir jaraa’id ka qabtay dadka dhismayaal ka socday Muqdisho u istaajiyey amarro ka yimid argigixisada Alshabaab.

Wasiir Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ayaa sheegay inay tahay wax an la aqbali Karin in shabaab oo gabalkoodi dhacay aay wali u hogaasamaan amaradooda an soomaaliyeed, wasiirka ayaa sheegay inaan cidna laga aqbali doonin inay amar shabaab u Hoggaasanto isla markaana ciddii ku kacda falkaasi Tilaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dowladu aay  diyaar u tahay sugitaanka amniga Goobaha dhsimaasho ka socdaan si amnigooda loo xaqiijiyo.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ay fareysaa milkiileyaasha dhismayaashaas, in la qaato amarka argagixisida Al-shabaab waxaa uu ka tarjumayaa in ay tahay arrin dambi ah, oo cunug xun ama kooxda argigixisada qof ka tirsan oo isaguba dhuumaaleysi kujooga duurarka in amarkiisa la qaato, loona ciqaabo dadkii xoogsatada ahaa, runtii arrintaasi waxaa ay muujineysaa arrin aysan dowladda u dulqaadaneynin in ay tahay, waxaan fareynaa in la fasaxo dhammaaan dhismeyaasha, oo ay bartoodii ka wataan, ciidamadu ammaanku ay tallaabo ku haboon ay ka qaadi doonaan kooxaha argigixisada ah, cid kasta oo amarka dowladda fulin weydana waxaa laga qaadaa tallaabo sharci ah” Ayuu Yiri Wasiirka Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...