Wasiiru-dowlaha Batroolka oo Kulan Laqaatay Agaasime Qeybsada Wasaaradda (SAWIRO)

Date:

Ku simaha Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Mudane Maxamuud Axmed Maxamuud (Mashruuc) ayaa kulan la qaatay dhammaan Agaasimayaasha Waaxyaha ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.

Ujeedada shirkan ayaa ahaa
sidii loo dar dar gelin lahaa qorshayaasha hortabinta u leh siyaasadda guud ee qaranka ee ku aadan soo saarka khayraadka dalka iyo ka faa’iideysigiisaba.

Mudadii uu shirku socday Agaasimayaasha Waaxyaha ayaa soo gudbiyay qorshe howleedka waaxyaha iyo caqabada jira, sidoo kale waxaa lagu falanqeeyay xalka lagaga gudbi karo caqabadahaas jira.

Ugu dambeyn, ku simaha Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Maxamuud Axmed Maxamuud (Mashruuc) ayaa soo xiray shirka, waxa uuna faray dhamaan Agaasimayaasha waaxyaha in ay dar dar galiyaan howlaha horyaal waax kasta, lana fuliyo dhammaan qorshayaasha Socda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...