In ka badan 120 qof oo ku dhimatay isbuurasho ka dhacday Indonesia

Date:

Ugu yaraan 129 qof ayaa ku dhimatay isbuurasho ka dhacday garoon kubadda cagta ah oo ku yaalla dalka Indonesia, sida ay sheegeen saraakiisha. Waxay saraakiisha ku tilmaameen dhacdadan masiibadii ugu ba’neyd ee ka dhacdo garoon kubadda cagta ah caalamka.

Isbuurashada ayaa dhacday markii ay booliska sunta dadka ka ilimeysiisa ay ku rideen dad dhigayay dibadbaxyo markii dambe isku baddalay rabshado.

Ku dhawaad 180 qof ayaa ku dhaawacmay isbuurashada kadib markii kooxda kubadda cagta Persebaya Surabaya ay ka adkaatay kooxda kale ee tartanka adag uu kala dhexeeyo ee Arema FC.

Wasiirka amniga ee dalka Indonesia ayaa sheegay in tirada dadka ciyaarta daawaneysay ay kor u dhaafeen 4,000 oo qof, tiradaas oo ka badneyd inta loogu talagalay garoonka.

Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo ayaa amar ku bixiyay in dhamaan ciyaaraha horyaalka Indonesia la joojiyo ilaa inta baaritaan looga sameynayo masiibadan.

Muuqaallo la baahiyay ayaa muujinayay taageerayaasha oo ku kala orddaya gudaha garoonka kadib markii la yeeriyay seeriga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...