Boqortooda Ingiriiska oo sheegtay in ay taageerayso dadka ku wax yeeloobay Abaarta Dalka ka jirta.

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay danjiraha Dalka Ingiriiska Marwo Kate Foster.

Danjiraha Dowladda Ingriiska ayaa Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed uga tacsiyaysay geerida taliyihii Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir Marxmuum Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) iyo Nabadoon Cilmi Xagar Guure, oo ku shahiiday dagaalka lagula jiro Kooxda aragagaxisa Al Shabaab, iyadoo soo hadal qaaday taageerada Golaha Shacabka BJFS, Amb. Kate Foster ayaa sheegtay in dowladda Ingiriiska ay taageereyso dadka ku wax yeeloobay abaaraha ka jira qaar kamida ah gobolada dalka.

 

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay taageerada Dowladda Ingriiska ay lagarab taagan tahay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed Isla markaana ay sii laba jibaaraan dadaalada lagu horumarinaayo amniga, dhaqaalaha, iyo taageerada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...