Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo magacaabay guddi ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaasi oo taakuleyn gaarsiiya deegaannada laga xureeyay Argagixisada Shabaab

Date:

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka  Hirshabelle Dr Cabdixakiim Luqmaan Xaaji Muxumed ayaa  magacaabay guddi ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaasi oo taakuleyn gaarsiiya deegaannada laga xureeyay Argagixisada Arxanka daran ee Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamanaka Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in kadib markii uu arkay baahida loo qabo taageeridda iyo dhirigelinta Ciidanka degaanka ee Hirshabelle uu Baarlamaanka Hirshabelle iska jaray Mushaarkiisa si uu ugu taageero una dhirigeliyo shacabka iyo ciidamada deegaanka.

 

 

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in la Magacabay Guddi ka kooban 7 Xubnood, kuwaas oo ka qeyb qaadaaya sidii gurmad iyo gargaar loo gaarsiin lahaa degaannada dhawaan laga saaray Ururka Al-Shabaab ee kuyaalla Gobolka Hiiraan, waxaana ay kala yihiin Xubnaha Guddiga.

 

1: Xildhibaan  Siraaji Sheikh Isaaq Abdulle Guddoomiye

 

2: Xildhibaan Maxamud Axmed Gacal  Xubin

 

3: Xildhibaan  Aadan Cabdi Faarax (Kaladire) Xubin

 

4: Xildhibaan Cabduladhiif Maxamuud Xaaji Cabdi Xubin

 

5: Xil. Axmed Cali Abuukar  Xubin

 

6:Xildhibaan Saciid Hagar Camalow Xubin

 

7 Xildhibaan  Maxamuud Sheekh Cali Xubin

 

Degaano iyo degmooyin katirsan Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab, xilli dad farabadan oo kunool degaannadaas ay horayu wajahayeen Colaad beeleedyo iyo macluul ka dhalatay abaarta kajirta degaannada Maamulkaas.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...