Madaxweynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu ka qeyb Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu ka qeyb Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynuhu inta uu ku sugnaa Maraykanka waxa uu xoogga saaray;
-In Madaxda Adduunka uu la wadaago halganka muuqda ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay wadajirka u bilaabeen ee la xiriira xoreynta deegaannada ay haystaan argagixisadu.
-In la xoojiyo, lana dardar geliyo gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan Abaaraha, isagoo xaaladda adag ee ka jirta dalka la wadaagay Beesha Caalamka.
-Madaxda dalka Maraykanka waxa uu ku adkeeyey dhibaatada argagixisadu ay ku hayaan xasilloonida Gobolka iyo muhiimadda ay leedahay doorka ay ka qaataan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.
-Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) waxa uu kala hadlay in mashaariicda horumarineed ee dalka ay ku fuliyaan lagu saleeyo baahiyaha dhabta ah ee ay qabaan shacabka Soomaaliyeed, taas oo ay aqbaleen, saameyn wanaagsanna ku yeelanaysa horumarka Soomaaliya.
-Waxa uu kulan-doceedyo la qaatay Madaxda dalal walaal iyo saaxiib la ah dalkeenna, si u xaqiijiyo taageerada diblumaasiyadeed ee muhiimka u ah midnimada iyo xasilloonida dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...