Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka oo saakay kooxaha argagixisada kala wareegay deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Date:

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa saakay kooxaha argagixisada kala wareegay deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada fara kutiriska ah oo argagixisada Al shabaab kaga sugnaayeen gobolka Hiiraan.

Taliyaha ururka 41aad guutada 5aad qeybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka, Cabdi Muumin Cilmi oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa u xaqiijiyay in kooxaha argagixisada ay isaga carareen deegaanka kahor inta aysan ciidanka gaarin.
Taliyaha ayaa sido kale sheegay in ciidanka xoogga ay la wareegeen deegaanka Tardo oo ku dhow deegaanka Moqokori isla markaana si buuxda ay gacanta ugu haayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Buulo-burde oo u gudubtay wareegga afar dhamaadka ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Buulo-Burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa u...

Wasaaradda Batroolka XFS iyo West Virginia oo Iska kaashanaya Sahminta iyo Soo Saarista Macdanta Muhiimka ah

Wasaaradda Batrolka iyo kheyraadka Macdanta XFS iyo Gobolka West...

Wasiirka Qoyska XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan la xiriiray Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has returned to the...