Ciidamada Dawladda iyo Kuwa xoraynta Shacabka ee deegaano ka tirsan gobalka Galguduud kala wareeegay khawaarijta Alshabaab

Date:

Ciidamada Dawladda iyo Kuwa xoraynta Shacabka ee deegaano ka tirsan gobalka Galguduud kala wareeegay khawaarijta Alshabaab.

Hawlgal balaaran oo saaka alaseey ka bilawday deegaano ku yaalla dhanka bari ee degmada Baxdo ayaa gacanta khawaarijta looga saaray deegaano ay ka mid yihiin, Maygaag Duub,Dhisaqa , Abooreey iyo kuwa kale.

Ciidamada dawladda iyo kuwa deegaanka ee iskaashanaya ayaa kusii siqaya goobo kale oo ay ku suganyihiin maleeshiyaadka Khawaarijta ah.

Hawlgalka saaka waxaa qayb wayn ka qaadanaynaa Shacabka deegaanka iyo culumada degmada Baxdo.

Ciidamada Xoogga, nabad-suggidda Qaranka iyo daraawiishta Galmudug ayaa qayb ka ah hawlgalkaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xildhibaannada labada Aqal ee BJFS oo loo qeybiyay wax-ka-bedelka Dastuurka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad.

Muqdisho, Soomaaliya 28 Janaayo 2026, Xildhibaannada labada aqal ee...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Horjooge Cabdiraxmaan Talxo Shuuke, oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta,...