Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS oo maanta kulan la yeeshay odeyaasha dhaqanka ee Galmudug

Date:

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta kulan wadatashi ah waxaa uu la yeeshay odeyaasha dhaqanka ee Galmudug isaga oo kala hadlay kaalintooda la xiriirta dib-u-heshiisiinta, xasilinta deegaannada laga xoreeyey Alshabaab iyo ka feejignaanta dhagartooda is kahor keenista beelaha.

 

 

Wasiirka waxaa uu iftiimiyey sida ay kooxda argigixisada u qorsheynayaan iskudirka beelaha, isaga soo qaatay in inta dagaalka lagula jiro si ay u marin habaabiyaan dib u xorreynta socota ay u dhigi doonaan dagaalka beel ku duushay deegaanka beel kale.

 

 

Wasiir Fiqi waxaa uu ku bogaadiyey beelaha kala duwan sida ay uga gadooodeen dulmiga Alshabaab, isaga oo adkeeyey in gulufka hadda socda ee ka dhanka ah argigixisada uu gaaro meesha ugu dambeysa.

 

 

Wasiir Axmed Fiqi waxaa uu sheegay inuu jiro shirweyne ay isugu iman doonaan reer Hirshabelle iyo reer Galmudug kaas oo lagu qaban doonno Baladweyn ama Dhuusamareeb midkood, waxaa uuna odeyaasha ka dalbaday in ay kaalintooda ka qaataan arrimaha socda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...