Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Agaasinka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka

Date:

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xirsi Jaamac Gaani, oo kulan la qaatay Agaasinka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Xarunta Qaran ee Hawgallada Gurmadka Degdegga ah iyo xubno ka mid ah Guddiga Abaaraha ayuu ka dhageystay warbixin la xiriirta halka ay marayaan hawlaha gurmadka qaran ee abaaraha iyo deegannada wax la gaarsiiyey intii ay howlaha gurmadku socdeen.

Mudane Gaani ayaa kula dardaarmay hoggaanka hay’adda iyo guddiga gurmad abaaraha in la sii xoojiyo dadaallaada socda, iyadoo muhiimad wayn la siinayo gacan qabashada dadka jilicsan ee abaaruhu saamyeen.

Wasiiru Dowlaha ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay lala gaaro wixii la hayo, dib u dhac walba oo yimaadana uu xaaladda ka sii dari karo.

Dhankooda, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Xarunta Qaran ee Hawgallada Gurmadka Degdegga ah iyo Guddiga Abaaraha ee heer qaran oo iskaashanaya ayaa soo bandhigay deegaanno badan oo la gaar siiyey gurmadka iyo kuwa qorsheysan in loo diro.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa...

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane...