Argagixisada Al-Shabaab oo xalay qarax la beegsatay gaari ay la socdeen dad shacab ah oo maraeyey deegaan u dhaw Degmada Buulo-Burde

Date:

Argagixisada Al-Shabaab ayaa xalay qarax la beegsatay gaari ay la socdeen dad shacab ah, xilli uu marayey degaan lagu magacaabo Aqaboy oo u dhow degaanka Bukh-aqable ee koonfurta gobolka Hiiraan oo hoos taga degmada Buulo-burde.

Sida ay Warbahinta Qaranka  u xaqiijiyeen weriyaasha gobolkaas 5 qof oo nabadoono u badan ayuu haleelay qaraxaas oo ahaa miino wadada la geliyey, waxaana goobta ku geeriyootay 4 qof, halka qofkii kale dhaawac daran goobta looga qaaday.
Dadkaan aan waxaba galabsan ee arxan laaweyaasha Al-Shabaab ay qaraxa ku dileen ayaa kala ah:
1- Nabadoon Yuusuf Fiidow Faarax
2 – Wiilkiisa Ibraahim Yuusuf Fiidow
2- Nabadoon Mukhtaar Xaaji
4- Iyo Nabadoon Xasan Xuseen Lugayare.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...