Wasiirka Cusub Ee Amniga Oo Xilka Lawareegay (SAWIRO).

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Wasiirkii hore ee Amniga, sida howlkarka ahayd ee u soo hoggaamiyey Xafiiska, isagoo kula dardaarmay wasiirka cusub in looga fadhiyo shaqo culus, maadaama amnigu uu yahay mid kamid ah tiirarka muhiimka ah ee xukuumadda.

Waxaa Si Dardar ah Ku Socda Howsha Xil la Wareegista Golaha Wasiirada Cusub, Waxaana LA Filayaa In Bilowga Todobaadka Danbe Lasoo Gabagabeeyo Si loosii Anba Qaaday Dardar Galinta Shaqada Xukuumadda Dan-Qaran ee Dhawaan uu Soo Dhisay RW Hamse Abdi Barre.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...