Maamulka degmadda ceel berde oo Ku baaqey in la caawiyo Dadkii degmadaas ku soo barakacay.

Date:

Guddomiyaha degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool oo ka Hadley xaaladihii u dambeeyay ee degmadaas ayaa sheegey in in dadkii degmada kusoo barakacay ay gargaar xagga nolosha ah iyo caafimaadkaba ay u baahanyihiin.

“waxaa jirey gargaar dowladda ay soo gaarsiyay degmada, haddana ma aheyn wax ku filan baahida degmada ka jirta’ waxaan rajeyneynaa Dhamaan Hay’addaha gargaarka iney il gaar ah kusoo fiiriyaan Xaaladaha bini aadanimo ee ka jirta degmada Ceelbarde ee Gobalka Bakool ayuu yiri” Haadi siraad cumar oo la wareysi gaar siyay Warbaahinta qaranka ee RADIO MUQDISHO.
.
Dhankale Gudoomiye Haadi siraad ayaa sheegey in hadda Maamulka uu wado Dadaalo Ku aadan sidii dib loogu furi lahaa iskuuladii ku yaalley tuulooyinka ay horey argagixisada uga soo barakiciyeen Shacabka.

Ugu dambeyn gudoomiye Haadi ayaa ugu baaqey dowladda federaalka iyo maamulka KGS Iyo qurbo joogto iney garab istaag buuxa ay u muujiyaaan dadkaaasi xaalada nolosha ay haysato iyo sidii loo taageeri lahaa dowladdanimada, cadowgana looga xoreyn lahaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed..

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...