Maamulka degmadda ceel berde oo Ku baaqey in la caawiyo Dadkii degmadaas ku soo barakacay.

Date:

Guddomiyaha degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool oo ka Hadley xaaladihii u dambeeyay ee degmadaas ayaa sheegey in in dadkii degmada kusoo barakacay ay gargaar xagga nolosha ah iyo caafimaadkaba ay u baahanyihiin.

“waxaa jirey gargaar dowladda ay soo gaarsiyay degmada, haddana ma aheyn wax ku filan baahida degmada ka jirta’ waxaan rajeyneynaa Dhamaan Hay’addaha gargaarka iney il gaar ah kusoo fiiriyaan Xaaladaha bini aadanimo ee ka jirta degmada Ceelbarde ee Gobalka Bakool ayuu yiri” Haadi siraad cumar oo la wareysi gaar siyay Warbaahinta qaranka ee RADIO MUQDISHO.
.
Dhankale Gudoomiye Haadi siraad ayaa sheegey in hadda Maamulka uu wado Dadaalo Ku aadan sidii dib loogu furi lahaa iskuuladii ku yaalley tuulooyinka ay horey argagixisada uga soo barakiciyeen Shacabka.

Ugu dambeyn gudoomiye Haadi ayaa ugu baaqey dowladda federaalka iyo maamulka KGS Iyo qurbo joogto iney garab istaag buuxa ay u muujiyaaan dadkaaasi xaalada nolosha ay haysato iyo sidii loo taageeri lahaa dowladdanimada, cadowgana looga xoreyn lahaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed..

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has returned to the...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu...

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed...