Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay degaanno hoos taga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraa

Date:

-Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgallo lagu baacsanayo maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab, ka wado degaanno ka tirsan Gobalka Hiiraan, ayaa cagta mariyay goobahii ay kaga dhuumaleeysanayeen degaanka Qabno ee hoostaga degmada Matabaan.

Ciidamada ayaa ka war helay in maleeshiyaadka argagixisada ay isku aruursanayeen degaanka Qabno, waxaana halkaas argagixisada looga dilay Toban kamid ah argagixisada, halka tiro intaas ka badana looga dhaawacay.waxana ciidamadu ay la waregeen degaanno ay kamid tahy Garmcadde,Beer gadiid, xawaale gacameey iyo degaanno kale halkaa oo argagixsada ay dadka shacka ah ku dhibateen jireen.

Ciidamada kumaandooska Danab oo kaashanayo kuwa marekanka ay sidoo kale duqeeyn xalay ay ka fuliyeen degaan u dhow Hees oo ay sida la sheegay argagixisadu isku aruursaneysay,iyadoo halkaa lagu dilay 40-katirsan maleeshida Al-shabaab halka tira inta ka badana looga dhaawcay

Saraakiisha guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay Al-Shabaab ka sifeyaan degaannada u dhaxeeya degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo beryahii ugu danbeeyay ay howlgallada ka socdeen.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, oo qeeyb ka ah hoggaanka  howlgallada ay Ciidamada ka wadaan inta u dhaxeeysa Matabaan iyo Maxaas, waxaana  intii ay socdeen howlgalada lagula wareegay dhowr degaan oo ay horay ugu sugnayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan...

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...