Ciidamada DDS oo sheegay in 800 oo katirsan Kooxda Al-shabaab ku dileen dagaalo ka dhacay Gobolka Afdheer

Date:

MUQDISHO-6-8-2022-:Guddiga ku-meel-gaarka ah ee Ciidamada Amaanka DDS ayaa shaaca ka qaaday in la dilay in ka badan 800 oo Maleeshiyada kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaa oo  24 ka mid ah ay ahayeen horjoogayaasha Al-Shabaab ee lagu dilay hawlgalada ay qaadeen Ciidamada ammaanku.

Taliyaha guud ee Xoogga Ciidanka Gaarka ah ee DDS Jeneraal Maxamed Axmed iyo Madaxa Hawlgelinta Ciidanka Difaaca Qaranka ahna Isu-duwaha guddiga Ku meel- gaadhka ah ee Amniga, Major General Tesfaye Ayalew oo Warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in kooxda argagixisada Al-Shabaab ay 14-kii Hamle 2014T.I, ay isku dayeen inay gudaha u galaan dalka Itoobiya, islamarkaana gabi ahaanba falkoodi argagixiso lagu fashiliyey talaabadii ay ciidamada amniga oo shacabka DDS kaashanaya ay ka qaadeen.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay hub badan oo ay Aragixisadu wateen.

Dhankiisa Jeneraal Maxamed Axmed Maxamuud Taliyaha guud ee Xoogga Ciidanka Gaarka ah ee DDS, ayaa cadeeyey in ujeedad kooxaha Argagixisadu tahay, isku day lagu doonayo in lagu carqaladeeyo hawlaha horumarineed ee Dalka iyo Deegaanka ba.

DHAGEYSO.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa...

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane...