MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO TABABAR USOO XIRAY SARAAKIIL IYO SARAAKIIL XIGEENNO KA TIRSAN CXDS

Date:

Muqdisho, Luuliyo 31, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababbar u soo xiray Dufcadda 4-aad ee Layli Sarkaal iyo Dufcadda 5-aad ee Layli Saraakiil Xigeen ee ka baxa Dugsiga Tababbarka Ciidamada Soomaaliyeed ee TurkSom.

Madaxweynaha oo uga mahadceliyey dowladda Turkiga hirgelinta dugsigan oo la dhisay sanadkii 2015-kii ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dib u dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareega sugidda amniga dalka.

“Hirgelintii dugsigan waxa ay billow u tahay in wakhti dhow aan gaarno in aan si buuxda, gudaha dalkeenna, ugu tababbaranno ciidankeenna. Waxaan u hamablyeynayaa waalidiinta, walaalaha iyo qoysaska ay ka soo jeedaan Saraakiishan iyo kuwii ka horreeyeyba ee halkan ka bixi jiray in ay u oggolaadaan ubadkooda ku biiridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo bandhigay khudbadda uu u jeediyay Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada, ahmiyadda uu siinayo in dadka Soomaaliyeed laga dulqaado dhibaatada argagixisada, lana xoreeyo deegaannada ay ka soo maleegayaan falalka gurracan ee ka soo horjeeda dowladnimada iyo qiyamka suuban ee diinteenna.

Dhankooda, Saraakiisha iyo Saraakiil-xigeennada ayaa soo bandhigay dhoollatus ay ku muujinayaan cududda iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo gutay dhaarta dastuuriga ah ee la xiriirta in ay difaacayaan dalka, dadka, diinta iyo calanka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud, Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raagge, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...