Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid Wasiiro katirsan Maamulada Jubnbaland iyo KGS

Date:

Muqdisho, Luulyo 31, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Bulshada iyo Dowlad Goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Wasiir Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur iyo Wasiir Maxamed Warsame Darwiish.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Labada Marxuum ay door muuqda ka soo qaateen geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan  deegaannada Dowlad Goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland oo ay ka kala ahaayeen Wasiirka Caddaaladda iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariisto Wasiir Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur iyo Wasiir Maxamed Warsame Darwiish, waxa ay ka mid ahaayeen masuuliyiinta  doorka weyn ka soo qaatay dowlad-dhiska, dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta shacabka Soomaaliyeed ee deegaannada Koonfur-galbeed, Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Labada Marxuum Alle u weydiiyey in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoysaskooda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay...

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

Muqdisho, Feberaayo 19, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay Siyaasadda Madaxda Qaranka ay ku wajaheen dagaalka Khawaarijta

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in siyaasadda iyo diblomaasiyadda...

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha...