Taliska Booliiska Galkacyo Oo Dib U Celiyay agab samafal dhawaan laga soo xaday dagmada Caabudwaaq (SAWIRO)

Date:

Duqa dagmada galkacyo ayaa maanta ku wareejiyay wasaarada caafimaadka Galmudug agab samafal oo dhawaan laga soo xaday dagmada caabudwaaq ee gobalka galguduud kadib howlgal lix maalmood qaatay oo ay oo sameyeen taliska ciidanka Boliiska Dagmada Galkacyo ee Dowlad Galmudug kaas oo suurta galiyay in ay dib usoo qabtaan 760 Bundadood oo kiiba ay ku jiraan 50 marakaneeco

Agabkaan oo 1501 bundadoood guud ahaan ayaa 760 ka Mid ah saaka si rasmi ah maamulka dagmada galkacyo waxa uu ku wareejiyay masuuliyiintii wasaarada caafimaadka

Taliyaha saldhiga booliiska dagmada galkacyo kabtan cali xirsi sahal iyo duqa dagmada galkacyo ayaa ugu horeyn ka hadlay madasha lagu wareejinayay agabkaan samafalka ee laga soo xaday caabudwaaq isagoona xusay taliyaha saldhiga booliiska galkacyo in howlgalkaan ay iska kaashadeen talisyada ciidamada booliiska dagmooyinka Galkacyo iyo Guriceel isagoo uga mahad celiyay Taliyaha saldhiga booliiska Dagmada Guriceel

Wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka galmudug Dr Mahad caabi ciise ayaa sheegay in agabkaan lagu wareejiyay ay keentay hay’adda Unicef qeybinteeedana ay wakiil uga ahaayeen ururka Newway isagooo dhanka kalana ka warbixiyay cidda loogu talagalay agabkaan samafalaka Ah oo xusay in loogu talagalay dadka danyartaa ee ku nool Galmudug intii ay gaari karto

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo markale cafis u fidiyay dhallinyarada la qalday ee ka tirsan Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarrada...

Degmada Gubadley oo u gudubtay wareega labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo...

Biyo-dhaamin loo sameeyay qoysaska ay saameysay abaarta ka jirta qeybo ka mid ah dalka

Hey’adda Xasan Kobac Foundation oo wakiil ka ah Sanatar...