Senetor Xuseen Maxamed Daahir oo deeq Dawo ah gaarsiyay Cisbitaalka Dhimirka Ee Magaalada Baydhabo

Date:

Senetor Xuseen Maxamed Daahir oo kamid ah senetorada aqalka sare ee dalka ayaa maanta gaarsiiyay deeq caafimad cisbitaalka dhimirka ee magaalada baydhabo.

Deeqdan caafimaad ee senetorka gaarsiyay cisbitaalka dhimirka ee baydhabo ayaa isugu jirtey daawo iyo sariirooyin loogu talagaley bukaanada Cibitaalka.

“Isbitaalkan oo ay ku jiraan 140 bukaan rag dumar isugu jira. Waxaa dhaqan celin iyo daaweyn loogu sameeyaa bil walba 100 illaa iyo 300 oo bukaan jiif ah ayuu yiri Senetor Xuseen oo la hadley warbaahinta Qaranka”.

Senetor huseen ayaa intaa ku darey in Isbitaalka uusan wax kaalmo ah haba yaratee , Hadday ahaan leheyd dhanka daawada iyo nolosha.

Senator Xuseen Maxamed Dahir oo katirsan guddiga horumarinta adeegga bulshada, arimaha bani aadamnimada, warfaafinta, iyo dhaqanka kana tirsan Madaxda Adduunka ee Caafimaadka Maskaxda ayaa sheegay intaa ku darey in uu u istaagayo siduu wax ula qaban bushadiisa gaar ahaan dhanka waxbarashada iyo caafimaadka

Ugu danbeyn senoter xuseen ayaa codsi u jeediyay dhammaan mutadawiciin ta jecel in ay wax caawiyaan in ay gargaar deg deg ah lasoo gaaraan isbitaalka haday ahaan lahaayeen ganacsatada iyo jaaliyadaha jooga wadanka banaankiisa.isagoona intaa ku darey in Far keliya aysan fool dhaqin oo si wada jir ah shacab iyo dowladdba ugu istaagaan waxqabashada cisbitaalkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Aqalka sare ee maanta?

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...