Madaxweynaha Qaranka Oo ka Tacsiyeeyay Geerida Gudoomiyihii Degmada Marka.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Degmada Marka Marxuum Cabdullaahi Cali Axmed oo ku shahiiday qarax kooxda arxan-laawayaasha ah ee Alshabaab ay maanta ka geysteen magaaladaas.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tacsi u diray ehellada muwaadiniinta kale ee ku geeriyooday qaraxan, waxa uuna sheegay in falkan iyo kuwii ka horreeyayba ay muujinayaan arxandarrada iyo cadaawadda kooxda argagaxisada ah ee Al-shabaab ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiye Cabdullaahi Cali Axmed oo ahaa muwaaddin naftiisa iyo nolashiisaba u huray dowladnimada iyo horumarka dalka. Alle waxaan uga baryayaa marxuumka iyo dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday qaraxan in uu fadhigooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoysaskooda iyo shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay in dagaal dhab ah lala galo ururrada argagaxisada ee caadaystay dhagarta shacabka Soomaaliyeed iyo daadinta dhiiggooda…

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarrada...

Degmada Gubadley oo u gudubtay wareega labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo...

Biyo-dhaamin loo sameeyay qoysaska ay saameysay abaarta ka jirta qeybo ka mid ah dalka

Hey’adda Xasan Kobac Foundation oo wakiil ka ah Sanatar...

Kulan Looga Hadlay Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee Xasilinta oo Lagu Qabtay Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...