Madaxweyne Hassan Sheikh Maxamuud oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Gargaarka Maraykanka Danjire Samantha Power

Date:

MUQDISHO-24-7-2022-:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Gargaarka Maraykanka (USAID) Danjire Samantha Power.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Samantha Power qorshayaasha hortabinta u leh Dowladda Soomaaliya ee dhinacyada wax-soosaarka kalluumeysiga, xoolaha iyo beeraha, iyadoo mudnaanta la siinayo sidii looga maarmi lahaa ku tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo looguna beddeli lahaa maalgashi dhaqaale oo horseeda horumar waara.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey taageerada iyo garab istaagga Hay’adda USAID ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isagoo ku adkeeyey sii wadista dardargelinta barnaamijyada maalgashiga, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saareyso barnaamijyada lagu horumarinayo maareynta biyaha, dhalinta tamarta, wax ka qabashada caqabadaha isbeddelka cimilada, sii wadidda dowlad dhiska Soomaaliya iyo daadejinta hannaanka Federaalka si ay dadka Soomaaliyeed u gaaraan isku filnaansho buuxda iyo horumar baahsan.

Dhankeeda, Marwo Samantha Power ayaa ballan-qaadday in Hay’adda USAID ay bixin doonto lacag deeq ah oo gaaraysa $470 Malyan, taas oo ka dhigeysa lacagta ay Hay’addu u qoondeysay Soomaaliya $668 Malyan. Deeqdan ayaa loogu talagalay wax ka qabashada abaaraha iyo hormarinta adeegyada muhiimka ah.

Booqashada ay dalkeenna ku soo gaartay Marwo Samantha Power ayaa sii xoojinaysa iskaashiga iyo xiriirka diblomaasiyeed ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Maraykanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...