Hay’adda Cunnada Adduunka WFP oo sheegtay in inta badan Bulshada Somaaliyeed ay Gaajo la ildaranyihiin

Date:

Muqdisho-19-7-2022:Waddamada Geeska Afrika waxaa ku dhufatay abaarta ugu xumeyd oo muddo 40 sana ah soo marta.

 

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP waxay sheegtay in 20 malyan oo qof oo ku nool waddamada Somaaliya, Kenya iyo Itoobiya ay dhammaadka sanadkan macluul halis ugu jiraan.Halka dhibka baaxaddiisuna uu ka jiro dalka Soomaaliya.

Hay’adaha gargaarka ayaa sheegaya dhibaatada abaarta ee ka taagan dalka Soomaaliya iney tahay tii ugu xumeyd muddo 40 sana ah.

Dadki ku noolaa tuulooyin dhan aya guryahooda ka qaxay iyaga oo raadinaya biyo, cunto iyo dawo.

Hay’aduhu waxaa kale oo ay sheegeen carruur badan iney nafaqa darro u dhinteen, halka ay qaarkoodna la soo darseen dhibaatooyin maskaxeed.

Beerihii ayaana wax dalag ah kasoo go’in, waxaan waddooyinka daadsan bakhtiga xoolaha ay abaarta laaysay.

Waxaa ku jiraa kumanaan carruur ah oo aysan cidna wehlin oo ku sugan xeryaha barakacayaasha., waxaana carruurta daryeelayaa walaalahood ka weyn maadama waalidiintooda ay biyo iyo baad u raadsadeen magaalooyinka halka hooyooyin badan ay la daalaa dhacayaan heerka nafaqa darrada oo sare u kacay kaas oo saameeyay carruurta.

Haatan dhimasho ayaa lasoo sheegayaa, mid kamid ah xeryaha barakacayaasha , waxaa ku dhintay ugu yaraan 26 carruur ah intii u dhexeysay bilihii May iyo June, sida ay sheegayaan warbixinada laga helayo halkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...